Maalmihii ugu horeeyay ee aan maqlay in Dadka Gobolada Dhexe ay Maamul sameysanayaan, waxaan iri "waa arin wanaagsan inkastoo ey adagtahay in dadkaasi wax isku raacaan"
Cadaado iyo Dh/Mareeb ayaa isku qabsaday Marti gelinta shirka lagu soo yagleelayo Maamul ay yeeshaan dhamaan dadka dega Gobolada Dhexe welina xal lagama gaarin, isla labada magaalo ayaa hadana isku heysta magaalada saldhig u noqondoonta marka la dhiso Maamulka.
Ma taqaan sababta isqabqabsiga iyo isutanaasulaad la aanta?
Waxkale ma aha waa dhibaatada Soomaali weyn kala geysay oo ah Qabyaaladda.
Qabiilkasta wuxu ku fakarayaa in uu cuno Cadka ugu weyn halkaasna waxaa ka bilawday Dagaal siyaasadeedka haatan Soomaalia guud ahaan ka socda ee aan ku macneey karo Dagaalkii Qeyb Libaax anaa leh.
Halkaas waxaa ku lumay danguud waayo ninkasta wuxuu u xusul duubayaa reerkiisa.
Maxaa inoo dan ah?
Soomaalidu waxey Cabsantahay qabiil, qofkastooy adigu iska bilaw hamigaagu haka weynaado in aad ka fakarto danta reerkaaga ama qabiilkaaga markaas ayaa la isugu imaanayaa danguud kadib ayaan caalamka ka soo dhexmuuqaneynaa maadaama hada aan tusaale u noqonay wixii xun oo dhan.
No comments:
Post a Comment